Ciidanka Dowlada oo howlgalo miino baaris ah Ka Sameeyay G/shabellaha hoose

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose,waxaana la sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu sugaayay sidoo kalena miinooyin lagu baarayay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Janeral C/Xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale lagu soo saaray miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen wadooyinka soo gala degaankaas.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas uu yahay mid weli sii socda ayna wadi doonaan  ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee degaannada ku dhow dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hosoe oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda.

Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaay mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah Al-Shabaab kula beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay howlgallada ku jiraan.