Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo xalay ku dagaalamay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Carafaat ee Degmada Yaaqshid, ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhexmaray Ciidan uu watay Taliyaha Nabad Sugida Yaaqshid iyo Dagaalyahano katirsan Shabaab oo watay Bistoolado iyo Bambaano uu halkaas dagaal ku dhex maray.

Dagaalka oo mudo kooban socday ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Dhinacyadii dagaalamay, Iyadoo goobta dagaalka uu ka dhacay  uu gaaray Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Tuulax.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshid Axmed Xasan Geedoow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhankooda laba askari ay kaga dhaawacmeen weerarka, halka Shabaabna ay mid ka dileen, Mid kalena isagoo dhaawac ah uu baxsaday, Tirada Shabaabka goobta ku sugnaa ayuu ku sheegay 4.

Gudoomiye Geedoow oo Saxaafada usoo bandhigay Meydka Shabaabka la dilay, ayaa sheegay in weerarka uu yimid kadib markii ay kulmeen Raga Shabaabka ka tirsan iyo Ciidanka Nabad SUgida Degmada oo xiligaas howlo u aaday dhinaca Jidka Warshadaha qeybta xigta Yaaqshid.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane, ayaa isna dhankiisa Saxaafada usheegay in weerarka ay Shabaab kaga qabsadeen Bistoolad iyo Bambaano uu watay Ninka laga dilay, Isgaoona Shacabka ku amaanay kalainta ay ka qaateen Howlgalka.