Ciidanka Galmudug iyo Koox hubeysan oo ku dagaallamaya gudaha Gaalkacyo

Ciidanka Galmudug ayaa Koox hubeysan  kula dagaallamaya Gudaha xarunta Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka dib markii saakay lagu qaaday weerar ku bilowday Qaraxyo.

Xarunta wadaadka ayaa waxaa ku sugan dhalinyaro ka badan 100 ,kuwaasoo oo la sheegay in ay yihiin xertiisa.

Ciidanka Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la sheegay in uu socdo dagaal lagu soo Afjaraayo Kooxda goobta weerartay.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in labo qarax oo waa weyn lagu qaaday Magaalada Gaalkacyo.