Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo si weyn loogu xoojinayo amniga lagana hortagayo falal kasta oo lid ku ah nabadgelyada guud ee dalka.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Dabagaab oo hoostagta degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay jireen dhaqdhaqaaqyo amni-darro oo walaac ku hayay shacabka deegaanka. Ujeedada ugu weyn ee howlgalka ayaa ahayd xasilinta deegaanka, sugidda amniga, iyo in la ciribtiro wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo xasilloonida bulshada ku nool halkaasi.
Ciidamada Kumaandooska Gorgor ayaa muujiyey feejignaan, geesinimo iyo xirfad sare intii uu socday howlgalka, iyaga oo si taxaddar leh u baaray goobaha lagu tuhmayay in laga abaabulo falalka amni-darrada. Howlgalkan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallo isdaba joog ah oo lagu xaqiijinayo in deegaannada muhiimka ah ay noqdaan kuwo ammaan ah oo ay si nabad ah ugu noolaadaan shacabka.
Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gorgor, G/dhexe Abubakar Xasan Galmadoobe, ayaa sheegay in howlgalka uu ku dhammaaday guul, isla markaana ciidamadu ay gaareen ujeeddooyinkii loo igmaday. Wuxuu tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorsheyaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga guud ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaannada kale ee muhiimka ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah, si loo hubiyo in aysan jirin wax khatar ah oo kusoo fool leh shacabka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ay heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo keeni kara khalkhal amni.
Dhanka kale, waxaa uu Taliyuhu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada howlgaladu ka socdaan in ay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo muhiim u ah sugidda amniga. Wuxuu tilmaamay in iskaashiga ka dhexeeya shacabka iyo ciidamada uu yahay furaha ugu weyn ee lagu gaari karo nabad waarta iyo xasillooni buuxda.
Ugu dambeyn, howlgalka ayaa muujinaya sida ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uga go’an tahay difaaca dalka, ilaalinta shacabka, iyo ciribtirka wax kasta oo lid ku ah nabadda. Waxaa sidoo kale la dareemayaa in dadaallada joogtada ah ee ciidamada ay horseedayaan isbeddel muuqda oo ku aaddan sugidda amniga iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.