Ciidanka Itoobiya oo kacanta kudhigay Cabdi Maxamuud

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya magaalada Jigjiga, ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ayaa kaxeystay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada ammaanka ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay kala baxeen xarun ku taalla Jigjiga oo uu ku sugnaa, sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Wararka aan ka heleyno Jigjiga ayaa sheegaya in ciidamada ay Madaxweyne Cabdi Maxamuud u duuliyeen magaalada Addis Ababa oo shalay laga wacay, halkaasi oo uu kula kulmayo Madaxda Itoobiya.

Waxaa la sheegay in Cabdi Maxamuud uu ka soo horjeedo siyaasadaa dowladda Itoobiya, taasina ay sababtay in ciidamada Millatariga Itoobiya ay gacanta ku dhigaan.

Cabdi Maxamuud Cumar oo shalay is casilay ayaa xilka ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase oo ahaa Wasiirka Maaliyadda Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya.

Xaalad sal fadhida aanan laheyn ayaa todobaadkan ka taagan magaalada Jigjiga, waxaana banaanbaxyo ka dhacay ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.