Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanka Hoosingow, ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaas ku dhexmaray Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS (hore AUSSOM) iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow saldhigga ciidamada Kenya ee Hoosingow, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen goobtaas. Intii uu socday dagaalka, diyaarado dagaal oo Kenya leedahay ayaa duqeymo ka fuliyay deegaanno ku dhow goobta ay iska horimaadku ka dhaceen.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo kooban, balse uu sababay xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay Hoosingow iyo nawaaxigeeda. Ciidamada Kenya ayaa markii dagaalku istaagay sameeyay howlgallo baaritaan iyo raadraac ah, iyagoo ku baadi-goobaya xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Lama xaqiijin tirada khasaaraha labada dhinac kala gaaray.
Dhanka kale, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran ayaa weli ka socda Gobolka Jubada Hoose, iyadoo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya ay wadaan abaabul milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, halka ururku uu weli sii wado weerarro gaadmo ah oo uu ku beegsanayo saldhigyada ciidamada huwanta ah ee ku sugan gobolkaas.