Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgallo culus ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bay, kuna sii jeeda Buurhakaba

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli wada howlgallo milatari oo culus oo ka socda deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco ee gobolka Bay, halkaas oo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la xiriira qorshaha ay ku doonayaan inay ku gaaraan degmada Buurhakaba.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah gulufka milatari ee ciidamada dowladda ay muddooyinkii dambe ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Bay, iyadoo ujeeddada ugu weyn ay tahay in la xoojiyo joogitaanka ciidamada dowladda, lagana saaro kooxda AS deegaannada ay weli ku sugan tahay.

Howlgalka lagu doonayo in lagu gaaro degmada Buurhakaba, gaar ahaan deegaanka Banooda, ayaa dowladda Soomaaliya ku noqday mid muddo dheer socday, iyadoo ciidamada dowladda ay la kulmeen caqabado la xiriira dhaqdhaqaaqa dagaalka iyo isku-dayada lagu xaqiijinayo in la gaaro goobaha ay qorsheeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, xilligan waxaa muuqda dardar cusub oo ku yimid howlgallada, iyadoo ciidanka Kumaandooska Danab iyo cutubyo kale oo ka tirsan Xoogga Dalka ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo isugu jira kuwa dhulka iyo kuwa cirka ah.

Duqeymaha cirka iyo gulufka dhulka ayaa qayb ka ah qorshaha ciidamada dowladda ay ku doonayaan inay ku sii ballaariyaan howlgallada, una dhaqaaqaan dhinaca degmada Buurhakaba, oo ah goob muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada milatari ee gobolka Bay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii socdaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada, iyadoo indhaha lagu hayo halka ay ku dambeyn doonaan howlgallada hadda ka socda deegaannada gobolka Bay iyo in ciidamada dowladda ay gaari doonaan degmada Buurhakaba.