Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Howlgal Guul leh ka Fuliyey Galbeedka Xarardheere.

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo miro dhal ah ka fuliyey deegaannada Bacadka Faarax Aadan iyo Ceel-deegaan, oo ku yaalla galbeedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan oo si xeel dheer loo diyaariyey ayaa lagu burburiyey saldhigyo ay kooxaha Khawaarijta ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan deegaanka, waxaana ciidamada Gorgor ay muujiyeen geesinimo, feejignaan iyo xirfad militari oo heer sare ah.

Taliye ku xigeenka ururka 6-aad ee Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Laba Xiddigle Salaad, ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ahayd in gabi ahaanba la ciribtiro meelaha ay cadowgu gabaadka ka dhiganayeen, si dib loogu soo celiyo amniga iyo xasilloonida deegaankaas.

Ciidamada Gorgor ayaa sidoo kale guulo la taaban karo ka gaaray burburinta xarumo istiraatiiji ah oo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo haraadiga kooxaha argagixisada ah ee nabadda iyo xasilloonida ka soo horjeeda.