Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxada AS

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta.

Howlgalka oo ku saleysnaa xog sirdoon oo muddo la socotay dhaq-dhaqaaqyada kooxda ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra, halkaas oo la xaqiijiyay in xubnaha Khawaarijta ay ku lahaayeen kulan ay ku qorsheynayeen falal amni-darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada amniga.

Sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga, howlgalka ayaa lagu dilay siddeed dhagar-qabe, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo fulinta weerarrada kooxda. Waxaa ka mid ahaa horjoogihii u qaabilsanaa qorsheynta iyo diyaarinta miinooyinka, iyo horjoogihii kooxda u qaabilsanaa fulinta weerarrada hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare). Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu khaarijiyay lix xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxdiisa, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay horjoogeyaasha la beegsaday.

Saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in howlgalka uu jab xooggan ku noqday awooddii kooxda Khawaarijta ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada loo adeegsado miinooyinka iyo hoobiyeyaasha, kuwaas oo muddooyinkii dambe lagu dhibaateynayay shacabka iyo ciidamada dowladda.

Xogaha sirdoon ee laga helay howlgalka kaddib ayaa muujinaya in kooxda Khawaarijta ay isku dayday inay qariyaan khasaaraha soo gaaray, iyagoo meydadka horjoogeyaashii iyo maleeshiyaadkii lagu dilay ka qaaday goobta howlgalka, kuna aasay si qarsoodi ah deegaan kale, si ay u qariyaan jabkii culus ee ka soo gaaray howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay ku baacsanayso kooxaha Khawaarijta, iyadoo adeegsanaysa xog sirdoon oo sugan iyo howlgallo bartilmaameed ah oo lagu burburinayo xarumaha, horjoogeyaasha iyo shabakadaha kooxda.

Hay’adaha amniga ayaa mar kale xaqiijiyay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana ay ka go’an tahay sugidda amniga dalka, ilaalinta shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta dhammaan qorshayaasha argagixisada ee lagu carqaladeynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.