Ciidanka xooga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa Howlgalo Ka Sameyay tuulooyin Hoos yimaada deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulooyinka Malable, Siigaale iyo Buulo-Arundi oo dhammaantood hoos taga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan AS ayaa lagu guuleystay in la burburiyo maleeshiyaad qorsheynayay inay baad ka qaadaan shacabka beeraleyda ah ee deegaankaasi ku nool.

Taliyaha Guutada 14-ka October, Gashaanle dhexe C/Raxiin Maxamed Munye, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay cagta mariyeen Fariisimihii AS ee ku sugnaa tuulooyinka la beegsaday, isla markaana la xaqiijiyay in howlgalka uu guul ku soo dhammaaday.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga bulshada deegaanka.