Ciidanka Xooga Dalka oo Howglgalo Ka Dhan Ah Al-shabab Ka Fuliyay Gobolka Galgaduud

Ciidanka Kumaandooska danab ayaa howlgal qorsheysan cagta ku mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen AS, oo yaalla dhulka hoodka ah ee hoosyimaada deeganka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkaan, ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 16aad ee kumaandooska Danab G/dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beer-yare, waxaana Ciidanka ay howlgalkaan ku dileen inkabad 20 Dagaalame, Iyadoo AS, laga saaray dhulkaan hoodka ah ee ay ku dhuumanayeen.