Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada howlgalka AUSSOM ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqyadooda militari ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo sii xoojinaya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Aadan, oo ay wehliyaan saraakiil sare, ayaa hadda ku sugan deegaanka Sabiib iyo Caanoole, halkaas oo uu kormeer ku tagay si uu u dhiirrigeliyo ciidamada jooga aaggaas.
Jeneraal Sahal ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay xaqiijinta amniga deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab, islamarkaana ay qorsheynayaan in ay gacanta ku dhigaan goobo kale oo muhiim ah.
Deegaannada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhowaan si rasmi ah ugu soo laabtay gacanta dowladda kadib howlgallo xooggan oo lagu qaaday, waxaana ciidamada Soomaaliya garab siinaya kuwa AUSSOM, gaar ahaan qeybta ka socota dalka Uganda.
Ciidamada ayaa weli sii wada hawlgallada qorsheysan ee lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, si guud ahaan gobolka loogu soo dabaalo xasillooni iyo amni waara.