Ciidanka Xoogga Dalka oo Dhoollatus Awood Ciidan ku Muujiyay Xuska 66-guurada ee Ka Dhacay Dhuusamareeb

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabbaaldegayay 66-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn loogu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug State. Munaasabaddan oo ahayd mid si qaranimo leh loo maamuusay ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sar-sare, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliye Maxamed Dhagawayne, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si wadajir ah uga qayb galay munaasabadda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay xuska maalintan taariikhiga ah.

Intii ay socotay munaasabadda, cutubyo si heer sare ah u tababaran oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo casri ah, ayaa soo bandhigay dhoollatus ciidan oo si weyn u soo jiitay indhaha ka qaybgalayaasha. Dhoollatuskan ayaa muujinayay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay dib-u-dhiska, tayeynta iyo qalabaynta ciidamada, taas oo ka tarjumeysa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda difaaca dalka.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee qalabka ciidanka iyo diyaar garowga ay u leeyihiin sugidda amniga, xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada, naf-hurnimada iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan difaaca Qaranka.

Ugu dambeyn, munaasabaddan ayaa noqotay mid muujisay midnimada, wadajirka iyo rajada laga qabo mustaqbal amni oo xasiloon, iyadoo lagu dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.