Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Culus Ka Bilaabay Degmada Masaajid Cali Guduud.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta bilaabay howlgal culus oo qorsheysan, kaas oo ka socda degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Qaranka ay ku doonayaan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Intii uu howlgalka socday, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay Khawaarijtu ku lahaayeen degmada iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo ay u adeegsan jireen abaabul, gabaad iyo falal amni darro ah. Sida lagu xaqiijiyay wararka laga helayo goobta, howlgalka ayaa sababay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo burbur soo gaaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee ku sugnaa halkaas.

Howlgalkan ayaa ah mid isugu jira cir iyo dhul, iyadoo la adeegsanayo xeelado ciidan oo casri ah, isla markaana ay si dhow u wada shaqeynayaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay sifeynta gebi ahaanba degmada iyo deegaannada ku dhow dhow, si looga hortago in Khawaarijtu mar kale dib isugu abaabulaan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada howlgalka, iyadoo la adkeynayo sugidda amniga shacabka ku dhaqan degmada Masaajid Cali Guduud, lana xaqiijinayo in aan waxyeello soo gaarin dadka rayidka ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in howlgallada noocan ah lagu saleeyo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka.

Howlgalkan maanta ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah guluf ballaaran oo bilihii u dambeeyay Ciidanka Qaranku ka wadeen gobollo kala duwan oo dalka ah, kuwaas oo lagu beegsanayay fariisimada, horjoogayaasha iyo ilaha dhaqaale ee Khawaarijta. Gulufkan ayaa horseeday guulo isdaba-joog ah oo lagu wiiqay awoodda kooxda.

Howlgalkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya, iyadoo xalay degmada Bu’aale uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu beegsaday Khawaarijta, kaas oo ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah. Weerarkaas ayaa lagu gaarsiiyay khasaare culus oo dheeraad ah, taas oo muujinaysa isku-duwidda iyo wadashaqeynta heer qaran iyo mid caalami ah ee ka dhanka ah Khawaarijta.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka ayaa adkeynaya ballanqaadkooda ku aaddan ciribtirka Khawaarijta, soo celinta nabadgelyada, iyo xaqiijinta xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed oo door muhiim ah ka qaadanaya la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.