Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamada Deegaanka ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta.
Intii howlgalka socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray kormeer iyo wacyigelin lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidamada iyo bulshada deegaanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee nabad-diidka ah.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo si buuxda u garab istaagay ciidamada, taasoo muujineysa isku duubni iyo midnimo ka jirta deegaanka.
Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal, Taliye-kuxigeenka Ururka 282-aad ee Qeybta 21-aad Dhamme Axmed Cabdi Aadan (Kurunje), iyo Guddoomiyaha Degmada Wisil Cabdi-najiib Xuseen ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada iyo dhabar-adaygga ay ku difaacayaan dalka.
Sidoo kale, waxay bulshada ku booriyeen in ay la shaqeeyaan ciidamada qeybaha kala duwan, si wadajir ahna looga hortago kooxaha Khawaarijta ee diidan nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.