Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Beeniyey Wararka Helikobtar Ku Dhacday Baydhabo

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaya in diyaarad helikobtar ah ay ku dhacday magaalada Baydhabo.

War kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, isla markaana aan jirin wax diyaarad ah oo ku dhacday magaalada. Ciidanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada, kuwaas oo keeni kara jahwareer iyo cabsi aan loo baahnayn.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid deggan, isla markaana aysan jirin wax dhacdo ah oo la xiriirta shil diyaaradeed. Waxaa sidoo kale la adkeeyey in wararka rasmiga ah lagu kalsoonaan karo, loona baahan yahay in laga fogaado faafinta xog aan la hubin.

Beenintan ayaa kusoo beegmeysa xilli saacadihii la soo dhaafay ay si weyn u faafayeen warar sheegaya in helikobtar ku dhacday Baydhabo, taas oo ay ciidamadu si cad u beeniyeen.