Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha, iyaga oo ka hortagay maleeshiyaad Khawaarij ah oo jidgooyo u dhigtay shacabka, si ay u dhibaateeyaan una dhacaan gaadiidka iyo muwaadiniinta isticmaalayay waddooyinka.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka ay heleen xog ku saabsan Khawaarijta oo qorsheynayay falal amni-darro ah, waxaana Ciidanka Xoogga Dalka ay si degdeg ah u gaareen goobta, iyaga oo kala eryay kooxihii jidgooyada u taagnaa.

Intii uu socday howlgalka, Ciidanka ayaa xaqiijiyay amniga waddooyinka, waxaana si nabad ah u sii socdaalay muwaadiniintii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u diideen marista waddada. Sidoo kale, Ciidanku waxay howlgallada sii xoojiyeen si looga hortago in mar kale Khawaarijtu ku soo laabato goobahaas.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada Ciidanka Xoogga Dalka ay tahay ilaalinta nolosha, hantida iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa shacabka, ayna mar walba diyaar u yihiin ka hortagga cadow kasta oo amniga dalka khatar ku ah.

Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidamada Amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falalka Khawaarijta, si loo adkeeyo amniga guud ee dalka.