Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgal Sifeyn ah ka Fuliyay Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 144-aad iyo 145-aad ee ka tirsan Guutada 14-ka October, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo sifeyn ah ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gabbaad ka dhiganayeen maleeshiyaad ka tirsan AS.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka, G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, ayaa xaqiijiyay in intii uu socday howlgalkaasi, ay geesiyaasha Qaranka si gaar ah u beegsadeen dooman ay Khawaarijtu u adeegsan jireen isgudubka labada dhinac ee Wabiga, kuwaasoo la burburiyay. Sidoo kale, waxaa la burburiyay goobo ay AS si dhuumaaleysi ah baad uga qaadan jireen shacabka beeraleyda ah ee deegaanka.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka kala ah Malable, Beeraha Baay, Siigaale Bari iyo Doonkaa-daafeedow, kuwaas oo dhammaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wadi doona howlgalada sifeynta ah ee looga hortagayo Khawaarijta, iyadoo la xaqiijinayo amniga shacabka iyo xasiloonida guud ee gobolka.