Ciiddamo Ka Socda Dalka Sierra Leone Oo Soo Gaaray Somalia, Kana Hawl-Geli Doona Jubbaland

Dowladda Sierra Leona waxay Somalia u soo dirtay 160 Ciiddan Bolis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Hawlgalka Boliska AMISOM ka wadaan Somalia.

145 Askari oo ka socda dalkaasi ayaa shalay ka degay Dekedda Kismaayo, waxayna ku biiri doonaa Koox hordhac ah oo ka kooban 16 Sarkaal oo iyagu mar sii horreysay gaaray magaalladda Kismaayo.

Dhinaca kale, Taliyaha Guutada Ciiddanka Sierra Leone ee soo gaaray Somalia, Mustafa Saleymaan Kambeh oo ka hadlay Qaabilaad ka dhacday Kismaayo waxa u usheegay inay ka go’an tahay inay taageeraan AMISOM iyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka  dalka Sierra Leone ee soo gaaray Somalia waxay noqdeen Ciiddanka ugu badan ee Boliska AMISOM ee ku sugan Somalia.

           Â