Ciyaal weeradii muqdisho oo soo rogaal celisay.

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah.

Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu xalay ka gaysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadeen ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo xilkas ah.

Kooxaha falka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Horay ciidamada ammaanka ayaa ugu guuleystay inay Muqdisho ka sifeeyaan kooxaha ciyaal weerada oo dhibaato xoogleh ka gaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.