Cosoble oo farriin  u diray XASAN iyo madaxdii hore ee ku shiraysa Muqdisho

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay shirka maanta magaalada Muqdisho uga furmaya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka ayaa soo saaray baaq culus.

Cosoble ayaa madaxda ku shiraysa Muqdisho usoo jeediyay inay u tudhaan dalkaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii danta guud iyo mustaqbalka dowladnimada oo aysan fiirsan dantooda gaarka ah.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay qodobo ku jiray heshiiskii u dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo kamid ah qodobada miiska u saaran madaxda ku shiraysa Muqdisho, oo uu kula taliyay inay si taxadar leh ugu fiirsadaan.

In ra’iisul wasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, islamarkaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo in ra’iisul wasaaraha uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoon-yahannada Soomaaliyeed, ayna xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda.