Cristiano Ronaldo: “Mar Walba Waxaan Sheegaa Inaan Ahay Kan ugu Wanaagsan Kubadda Cagta, Sababtoo Ah Aniga Ayaa Aaminsan”

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo wuxuu mar walba isugu yeeraa kan ugu wanaagsan kubadda cagta, wuxuuna sheegay iney taas sababteeda tahay inuu isaga si weyn u aaminsan yahay xilli uu joogay xafladii xalay lagu gudoonsiiyay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Portugal.

Kalsoonida uu qabo xidigaan hogaamiya Real Madrid maahan wax waligeed shaki la galin karo maadama uu si weyn ula tartamo Lionel Messi Messi sanadba sanadka ka dambeeya.

“Waxaan mar walba sheegaa inaan ahay mid wanaagsan sababtoo ah aniga ayaa aaminsan, waxaana kusoo bandhigaa garoonka dhexdiisa” ayuu yiri Ronaldo oo ka hadlayay xafladii Quinas de Oura ee lagu ay xiriirka kubadda cagta Portugal ku qabteen Lisbon.

“Waxey hadda ii tahay waqti weyninaan doonayo saaxiibadey inaan la wadago. Waa abaalmarin shaqsiyadeed oo aan caadi aheyn iyo heer wadareed, wuxuu ahaa sanad taariikhi u ah Madrid. Shan koob hal sano, shan ballon d’Or iyo abaalmarintii labaad ee FIFA” ayuu mar kale yiri Cristiano Ronaldo.

Ronaldo waxaa loogu codeeyay xidigii ugu wanaagsanaa Portugal sanadkii dhamaaday ee 2017, waxaana codadka dhiibtay taageerayaasha, tababarayaasha iyo xeer-beegti uu ka mid ahaa Luis Figo. Waxaana kula lamaansanaa xafladda gacalisadiisa Georgina Rodriguez iyo wakiilkiisa Jorge Mendes.

 Wuxuu ku guuleysanayay muddo sadex sano ah, wuxuuna ku garaacay sanadkaan Rui Patricio iyo Bernardo Silva kuwaas oo codad aad uga hooseeya helay.