Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Go’aankii Olivier: “Ma Garan karo Sababta Ay Juventus Uga Banaan Baxeyso, Waxey Aheyd Rigoore”

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa layaaban sababta ay ciyaartoyda Juventus uga banaan baxeen gool ku laadkii lagu abaalmariyay kooxdiisa ee u sahashay iney garaan Semi Final-ka tartanka.

Kabtanka Portugal ayaa aaminsan in go’aankii Michael Olivier uu ahaa mid saxan tiiyoo ay jirto in Gianluigi Buffon uu casaan ku qaatay kadib markii uu isku dayay inuu ugu yaraan carqaladeeyo go’aanka garsooraha.

“Ma fahmi karo sababta ay uga banaan baxayaan” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay war fidiyeenada kadib kulankii xalay.

“Lucas waxaa looga dhacay gadaal, hadii aysan sidaas sameyn laheyn, waxey aheyd gool” ayuu yiri mar kale Ronaldo.

Dhanka kale Cristiano Ronaldo ayaa shaaca saxaafadda la wadaagay inuu mar walba kalsooni ku qabay dhalinta rigooradii la siiyay balse uu mar walba wadno garaac daremayay.

 “Wadno garaaca wuxuu ahaa mid sare u kaca, balse waxaan ahaa mid dagan, waan ogaa inaan go’aamin karo” ayuu mar kale yiri Ronaldo.

“Kubadda cagta maahan wax banaanka laga istaago, waa inaad dagaalantaa ilaa dhamaadka”

“Madrid waxey aheyd iney goolal badan dhaliso, balse Juve iyo Buffon ayaa ahaa kuwa aad u fiican