Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami, Cumar Cartan, uusan ka qayb geli doonin tartanka Koobka Adduunka ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, kaddib caqabado la xiriiray safarkiisa iyo gelitaanka Mareykanka.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta la xiriira arrintan, dadaallo badan oo ay sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’adda FIFA ayaan lagu guuleysan in xal looga helo caqabadihii hortaagnaa ka qaybgalka garsooraha Soomaaliyeed.
Go’aanka FIFA ayaa soo afjaray rajadii laga qabay in Cumar Cartan uu ku biiro garsoorayaasha caalamiga ah ee loo xushay tartankan, inkastoo uu horey uga mid ahaa garsoorayaasha loo asteeyay inay ka shaqeeyaan ciyaaraha heerka caalami.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Cumar Cartan la filayo inuu berri dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweyn doonaan bahda ciyaaraha iyo taageerayaasha Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay muddadii ay socotay arrintan.
Cumar Cartan ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed ee ugu magaca dheer heerka caalami, waxaana guulihiisa iyo dadaalkiisa lagu amaanaa kor u qaadista sumcadda Soomaaliya ee garsoorka kubadda cagta. Inkastoo uu seegay fursaddan muhiimka ah, haddana taageerayaashiisu waxay aaminsan yihiin in mustaqbalka ay jiri doonaan fursado kale oo uu dalkiisa ku matalo fagaarayaasha caalamiga ah.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahda ciyaaraha ayaa mar kale muujiyay taageeradooda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, iyagoo ku ammaanay dulqaadka iyo dadaalka uu muujiyay intii lagu guda jiray arrintan. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo dhammaan haldoorka Soomaaliyeed ee matala dalka.