Cutubyo ka tirsan Gorgor oo Tababar Ciidan loogu Diray Turkiga

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo sagootiyay cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad oo tababar loogu qaadayo Turkiga

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan Guutada 22-aad ee Gorgor, kuwaas oo dalka Turkiga u aadaya tababar ciidan oo dheeraad ah.

Cutubyadan ayaa la filayaa inay dalka Turkiga ku qaataan tababbarro lagu xoojinayo aqoontooda iyo xirfadaha ciidan, si kor loogu qaado awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Munaasabadda sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ciidamada loo jeediyay dardaaran ku aaddan muhiimadda tababarka iyo in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadda loo siiyay.

Tababarka ay ciidamada Gorgor ku qaadanayaan dalka Turkiga ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhinaca milatariga ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo lagu horumarinayo tayada, tababarka iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Saraakiisha ayaa ciidamada ku boorriyay inay ilaashadaan anshaxa iyo magaca Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay dadaal dheeraad ah geliyaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen tababarka ay dalka Turkiga u aadayaan.