Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa ka hortegay weerar ay doonayeen inay Al-Shabaab kusoo qaadaan degmada Ceeldheer ee gobolkaasi, waxayna soo afjareen kooxdii loo diyaariyay weerarkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Xoogga dalka.
Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay hayayeen xogta weerarka, kadibna ay sameeyeen ka horteg, isla markaana howlgalka uu ha dhacay duleedkaa degmada.
Dhinaca kale taliyaha guutada 24-aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka ay sameeyeen ee ka dhacay gobokka Galgaduud.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.