Daadad Xoogan Oo Ku soo rogmaday Magaalada Qardho ee gobolka bari

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi xalay ay kusoo rogmadeen daadad xooggan oo sameyn ku yeeshay dadka kunool Magaalada.

Daadadkaan ayaa ka dhashay roobab dabeylo wata oo saacaddihii lasoo dhaafay ka da’aayay degaanada ka tirsan Puntland iyo Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in gurmad deg deg ah loo sameyn doono dadka ay saameyeen Daadadka gobolka Bari,islamarkaana wafdi qiimeyn ah maanta ay tagayaan Magaalada Qardho.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ayaa horay kaga digay Dufaano xoog leh oo kusoo wajahan degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka billowday xeebaha Puntland.