Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, waxaana Maanta qorsuhu yahay in la doorto ilaa Saddex kursi.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa hab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP#030 ee Golaha Shacabka , kadib markii uu tanaasulay Musharaxii latartamayay, wuxuuna helay 101 Cod.