Daawo: Goolashii Man United Looga Tuuray Champions League Iyaga Oo Jooga Old Trafford

Kooxda Sevilla ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Man United iyada oo ka reebtay tartanka champions league kulan ka dhacay Old Trafford.

Laba Gool oo uu dhaliyay Wissam Ben Yedder ayaa Dhabarka ka toogtay Man United halka Goolkii uu Lukaku U Dhaliyay United uu waxba u qaban waayay.

Kulanka ayaa isku gaynta goolasha labada lugood ku dhamaaday 2/1 maadama ay lugtii hore ee Spain ka dhacday ku soo kala bexeen bar-baro 0/0 ah