DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Geelle oo Qaabilay Wafdi u hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle

khamiis, Feb 22, 2018(GNN) Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku joogga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha  jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa, xubno ka tirsan dowladda jabuuti, maamulka Hirshabelle, saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka socda dalka jabuuti islamarkana ku sugan gobolka Hiiraan, iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxana ay ka wada hadleen xoojinta doorka dowladda jabuuti ay ka qaadaneyso horumarinta deegannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ku amanaay doorka u ka qaadanayo dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweynaha Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan dowladda jabuuti ayaa kormeeray dekedda jabuuti iyo goobo kale oo ka mid ah kaabayaasha dhaaqalaha jabuuti.

Dalka jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ay ka jooga ciidamada kuwaaso qeyb ka ah howlgalka midowgga Afrika ee AMISOM iyado ciidamada ka jabuuti ay ku sugan yihiin, Baladweyne, Jalalaqsi iyo Bula burde ee gobolka Hiiraan.

Abdijamal Moalim  Ahmed.

Radiogalgaduud.com

Abduljamal20@gmail.com

info@radiogalgaduud.com