Dab ka kacay Garoonka Aadan Cadde

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan cadde ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu halkaasi dab ka kacay.

Dabka ayaa ka kacay Maqaayad ku taalla Gudaha Garoonka gaar ahaan qeybta Duulimaadyada Caalamiga ah.

QeybtaCuntada lagu kariyo ee Maqaayadda ayaa la xaqiijiyay in ay gubatay ,islamarkaana  hakad la galiyay howlihii Garoonka sidda duulimaadyadii i maan jiray.

Dabka ayaa lagu guuleystay in la damiyo, waxaana caadi kusoo laabtay howlihii Garoonka Aadan Cadde ee  Muqdisho ka dib muddo daqiiqado ah oo uu  hakad galay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay dabkaasi oo la sheegay in uu ahaa mid ay sababtay Koronto.