Dab Ka kacay Kaalin Shidaal Oo Ku taala Magaalada Gaalkacyo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Kaalin shidaal oo ku taal magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug,masuuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay I uu jiro khasaare lixaad leh oo ka dhashay.

duqa dagmada gaalkacyo dhanka galmudug iyo gudoomiyaha dagmada gaalkacyo dhanka buntland oo goobta shir jaraaid ku qabaty ayaa ka war bixiyay qasaaraha ka dhashay dabkaasi

Goobta uu dabku ka kacay ganacsatii lahaa waxa ay sheegen in ay hanta badan uga gubatay laakiin haatan aysan xog faahfaahsan ka bixin Karin dibna ay kasoo sheegi doonaan khasaaraha soo Gaaray ganacsigooda