Dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Magaaladda Dhusomareeb.

Dab ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Xaafadda Siinaay Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug.

Lama oga waxa sababay in Dabkani kaco, waxaa Bulshadda Magaaladda ay inta awoodooda ah la tacaalayaan Daminta Dabka.

Magaaladda Dhusomareeb ma yaallo wax Dabdamis ah, waana mid kamid ah Adeegyadda ugu muhiimsan ee Magaalooyinka Galmudug aan laga hellin xilligan.