Dab Ka Kacay Keydka Radio Muqdisho Oo La Demiyay & Khasaaraha Oo La Shaacinayo

Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Cabdi Fitaax Jeyte ayaa sheegay in in Maamulka gobolka Banaadir uu in ka yar 15 daqiiqo ugu soo diray gaadiidka iyo kooxda dab damiska kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dadka loo damiyey.

“Mar kale waxaan u mahad celineynaa shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka, Khasaaraha ma badna waxaase hada aan ku howlannahay tirakoobka cajaladaha naga gubtay ayuu yiri Agaasimaha.