Dab ka kacay magaalada hargaysa.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen.

Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska.

Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor inta uusan ku fidin xarumaha kale ee ka agdhowaa goobta uu ka kacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaana la bad-baadiyay hantida ganacsatada.

Dhinaca kale ciidanka Dab-damiska maamulka Somaliland ayaa baaq u diray shacabka iyo ganacsatada oo ay ka dalbadeen inay soo wargeliyaan kahor inta uusan waynaan dabka.