Dab Qasaara geestay oo kacay Isbitaal ku yaalla Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dab ayaa xalay ka kacay Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa ka kacay qeybta keydka daawadda, waxaana la sheegay in uu jiro Khasaare aan badneyn oo ka dhashay dabkaasi.

Gaadiidka Gurmadka degdeg ah ayaa ku guuleystay daminta dabkaasi oo la sheegay in uu kusii faafaayay qeybo ka mid ah Isbitaalka Dayniile.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirka Isbitaalka ayaa xaqiijiyay in uu ka dhashay dabkaasi Koronto.

Xaaladda Isbitaalka ayaa caadi kusoo laabatay, waxaana hadda ka socdo shaqooyinkii uu bulshadda uu u qaban jiray.