Kooxo dalbleey hubeysan ayaa saaka Deegaan lagu magacaabo dililiqo oo dhow deegaanka beera xaadle ee hoos taga caasimada dhuusamareeb ku dilay nin shacab ah oo magaciisa nalagu sheegay bashiir shiiq warsame (roonge).
Sida aan soo xignay dadka deegaanka, oo aan xiriir la sameynay, ayaa inoo sheegay in falkan dilka ah uu la xiriiro aanooyin qabiil. Marxuumka geeriyooday wuxuu asal ahaan kasoo jeeday deegaanka Ceel Garas, halka kooxaha wax dilay ay kasoo jeedaan Dhuusamareeb.
Falalka noocaan ah ee ku saleysan aanooyinka qabiil ayaa ah kuwo joogto ah oo ku soo noqnoqda deegaanada u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Ceelgaras, halkaas oo ay wada degaan
Dhacdadan murugada leh ee saaka ka dhacday, halkaasi isla markaasina nolosha looga qaatay Rabbi ha u naxariistee Bashiir Shiikh Warsame, ayaa muujineysa sii socoshada colaadaha qabiilka ee dhibaatooyinka badan ku haya bulshooyinka ku nool deegaanadaas iyo deegaanada kale ee galmudug.
Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan wax jawaab ah ka bixin maamulka Galmudug, gaar ahaan laamaha amniga iyo maamulka caasimada Dhuusamareeb, oo ay hoos yimaadaan deegaanada ay ka dhacday shaqaaqadan.