Dacwad ka dhan ah natiijada doorashada Kenya oo bilaabatay

Natiijooyinka Doorashada Kenya 2022: Dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada Kenya ayaa bilaabatay dhageysiga

Toddobo garsoore, ayaa bilaabay dhageysiga dacwadda la doonayo in lagu baabi’iyo doorashadii William Ruto, ee loo doortay madaxweynaha Kenya.

Waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee Kenya, Martha Koome.

Garsoorayaasha ayaa meesha ka saaray laba dacwad, oo ay ku wehliyaan todobo kale, sababo la xiriira inay isku mid yihiin, iyagoo ka hadlayey waxyaabo isku nooc ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale laashay saddex dacwad, oo uu ku jiro dacwad ka timid Ruto, kuwaasoo lagu doonayay in ururka qareenada Kenya laga hor istaago ka qeybgalka dacwada.

Maxkamadda ayaa soo saartay sagaal qodob oo qaabayn doona go’aanka ugu dambeeya, ee la gaari doono 5-ta bisha September.