Dacwad laga gudbiyay Taliyaha NISA iyo ku xigeenkiisa

Taliye ku xigeenkii hore  hay’adda NISA ee ciidanka laga saaray daroojinkii Ciidanka laga xayuubiyay ayaa Maxkamad u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Taliyaha NISA Xuseen Xasan iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin .

Cabdalla Cabdalla ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Sare ee NISA in  sanadihii 2014, 2015, 2016 iyo 2017 uu dacwooyin Al- Shabaab la shaqayn ah ka gudbiyey taliyaha NISA Xuseen Cusmaan iyo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin.

Waxaa uu sheegay in uu haayo Cadeymo muujinaya in Labadda Mas’uul ay xiriir lala leeyihiin Al-Shabaab.

Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ayaa guddoontay Dacwadda ka dhan ah Taliyaha NISA iyo ku xigeenkiisa.