Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysanaa in uu gubay Xaaskiisa Alle ha u naxariiste Luul oo u dhimatay dhaawacii kasoo gaaray.
Marqaatiyaal uu keenay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la horkeenay maxkamadda, kuwaasi oo ka jawaabay wixii ay goobjoog u ahaayeen ama maqleen ee la xiriira kiiskaan xasaasiga ah.
Maxkamadda ayaa dhageysatay oo su’aalo waydiisay Sayid Cali Macallin Daa’uud, waxa uuna sheegay in xaaskiisa sababta uu u gubay inay tahay maseer darteed, islamarkaana murankii ka dhashay uu keenay dabka in uu qabad siiyo guriga balse waxaa uu ku dooday ujeedkiisu in uusan aheyn in uu dilo xaaskiisa.
Xeer ilaaliye ku-xigeen Yaxye Maxamuud Saciid oo soo gaba-gabeeyay doorka xafiiska ee dacwad oogista ayaa ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo dil toogasho ah oo ah qisaasta Luul Cabdicasiis.
Maxkamadda ayaa waxaa shalay soo xaadiray boqolaal qof oo daneynayay sida kiiskan xasaasiga ah ay dacwaddiisa u socoto iyo weliba eheladda Luul, ayada oo warbaahinta toos looga daawanayay.