Dad Caronavirus ugu geeriyooday Puntland

Deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa maalmihii la soo dhaafay ku faafayay Cudurka Coronavirus,waxaana laga diiwaangeliyay kiisas badan oo qaarkood laga helay Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay inay walaac badan ka qabaan faafitaanka Cudurka,isla markaana dadka Reer Puntland ay yihiin kuwo aan feejignaan badan ka qabin Cudurka.

Waxaa uu sheegay ka sokow kiisaska ay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka diiwaangeliyeen ay soo gaartay inay jiraan dad badan oo lagu arkay Calaamadaha COVID-19,isla markaana ku geeriyooday deegaannada Puntland.

Shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay Wasiirka inay qaataan talooyinka Caafimaad iyo awaamiirta looga hortagayo faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa kusoo aadaya xilli marka laga soo tago deegaannada Puntland in Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale ay maalin walba ku dhintaan dad badan oo qaarkood lagu arkay calaamadaha Cudurka Coronavirus