Dad gaaraya 3 Ruux Oo kugeeriyooday Magaalada Beledweyne

Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 3 Ruux ayaa geeriyooday halka in ka badan ay dhaawacmeen kadib markii ay rogmatay Makiinada loo yaqaano Cagaf Cagafta xilli ay dhex mareysay qeybo ka mid ah Xaafadaha Magalada Baladweyne oo ay biyo dhex jiifaan.

Cagataan ayaa ka timid deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baladweyne oo ay kun sugan yihiin badi dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga ee Magalada Baladweyne waxaana saarnaa ilaa 50 ruux,iyada oo rogmatay xilli ay dhex mareysay goob ay biyo ka buuxaan maadaama wabiga uu Baladweyne fahataad ka sameeyey.

Gaariga cagaf cagta ah ayaa ah gaariga kaliya ee xiligaan laga isticmaalo magalada baladweyne tan iyo markii ay soo baxday fatahaada webiga shabeelle taasoo aaney jirin gaari kale oo mari kara biyaha dhexdooda ee Magalada Baladweyne.