Dad Gaaraya 9 Ruux Oo Maanta Lagu Laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in Barqanimadii Maanta koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen dad Shacab ah oo ku taalla deegaankaas.

Dad ku sugan deegaanka Xaawa Cabdi oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in dadka la weeraray ay ahaayeen kuwa ka Shaqeeya Nadaafada,kuwaas oo u badnaa  haween ,hayeeshee xilli ay ku jireen Shaqadooda la weeraray,waxaana halkaasi lagu dilay 7 Ruux halka laba kale la dhaawacay.

In kastoo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay weerarkaasi dadka lagu laayey ayaa hadana dadka qaarkood waxa ay sheegeen inay ka dambeeyeen Al-Shabaab,isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

Xaalka deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah mid kacsan,waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka ay sheegeen inay ku guda jiraan baaritaano ku aadan dadka ka dambeeyay weerarkaas iyo sababta dadkaasi Shacabka ah loo dilay.

Deegaanka Xaawa Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa 30-kii Bishii Octoober ee Sanadkii tegay ee 2018 Maalin cad sibareer ah inta gaari laga dejiyay lagu toogtay rag dhalinyaro iyo Odayaal isugu jiray.