Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo mid hantiyadeed uu ka dhashay dab qabsaday Gaari ka baxay Magaalada muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo.
Gaariga oo ah nooca loo yaqaano leyla Calaawi ayaa la sheegay in uu dab qabsaday xilli uu marayay inta u dhaxeysa degaannada Dagaari & Saddex Xiglo ee Gobolka Mudug, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday dabkaas laba haween ah halka 6 kale oo qof ay ku dhaawacmeen
Dadka ku dhaawacmay dabka qabsaday gaariga oo qaarkod culus yahay dhaawacooda ayaa waxaa la geeyay isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu daweeyo , waxaana inta badan dabkaasi ku burburay gaariga.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dabka, waxaama wararka qaar ay sheegayaan in dabka uu gaariga uu ka dhex-dhashay, maadaama safar dheer oo waqti badan qaatay uu galay uuna kululaaday.
Maamulka degaanka Saddex Xiglo ee Gobolka Mudug iyo Bulshada degaanka ayaa gaaray halka gaariga uu gubtay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadkii waxyeelada kasoo gaartay dabka.