Dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay Magaalada Hargeysa.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Aw-barkhadle, kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo ku socdaalayay halkaasi.

Baabuurka isku dhacay ayaa siday rakaab, waxaa dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacmeen 4 kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee laga soo wariyay maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwna oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.