Dad Ku Dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gawaan oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay waaberigii uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey shilkaas ayaa waxaa ku dhintay Lix ruux halka dad kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo la geeyey mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sababha shilkaas ayaa waxaa lagu sheegay in wadooyinka qaar ee gobolka mudug ay haatan yihiin kuwo burbursan,iyada oo dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay ay u gurmadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Koonfurta gobolka Mudug.