Dad Ku Dhintey Kaawo Ku Soo Duntay Duleedka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Kaawo ay ku soo duntay dad qodaayay.

Waxaa la xaqiijiyey in saddex qof oo kamid ahaa dadka kaawada qodayey ay soo duntay in ay  geeriyoodeen,halka dhaawac uu soo gaaray mid kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka jubbland ayaa gaarey goobta dadka ay Maanta kaawada kula soo duntay,iyaga oo gurmad u sameeyey dadkii ku dhaawacmay,sidoo kalena goobta ka soo qaaday meydadka dadkii ku dhintey.

Inta badan dadka ka Shaqeysa qodida kaawada ayaa waxaa ka soo gaara dhibaatooyin kala duwan,sida in ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan.