Dad Ku Geriyooday Guri Ay Dhisayeen Oo Ku Soo Dumay Isgoyska Km4

War Goordhow soo garay Radio Galgaduud ayaa waxa uu sheegaya in Guri laga dhisayay Nawaaxiga KM4 uu ku soo dumay Shaqaalihii dhisayay kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay.

Dhisamaha Guri oo ka socday Dhismihii Ex Shineemo Igwadoor ka soo horjeedka Taalada Axmed Gureey ee KM4.

Inta la xaqiijiyey Dhismaha Guriga ee soo dumay ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa Saddex ka mid ah Shaqaalaha Guriga dhisayay,sida ay soo sheegayaan Wariyaasheena oo halkasi tegay.

Dhismaha Guragan oo dhawaan la bilaabay ayaa xiligaan marayay dhismaha Koowaad,waxana Gobjogayaal ay sheegeen in iyada oo Shaqadii lagu jiray uu ku soo dumay Shaqaalihii
kala soco Wixii sookordha Radiogalgaduud.com