Dad kudhintay rabshado ka dhacay degmada Ceelwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta degmadaasi ay ka dhaceen rabshado u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan iyo dadka Shacabka ah.

Wariyeyaal ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in rabashadaasi ay ka mabeysay kadib markii Taliyaha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey uu goob fagaaro ah dadweynaha isagu keenay,isaga oo ka dalbaday inay taageeraan Axmed Madoobe oo markale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland,hayeeshee tasi ay diideem.

Rasaas ayaa la sheegay in Ciidamada ay ku fureen dadka Shacab ah,kadib rabshad ka dhex bilaabatay Ciidamada iyo dadka Shacbaka ah,waxaana rasaasta ay Ciidamada fureen ku geeriyootay mid ka mid ah Haweenka ku nool degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Intii ay rabshadaha socdeen ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in la demiyay gebi ahaan Xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta,hayeeshee haatan dib loo fasaxay,isla markaana xaalada degmada Ceelwaaq ay tahay mid degan.