Dad Loo soo Qabtay Qaraxii Ka Dhacay Magalada Adis Ababa

Warar laga helayo Magalada Adis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in tiro dad ah loo qabtey qarixii ka dhacay fagaaraha Meskel Square xilli uu khubad jeedinayey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Saraakiisha laamaha amniga Itoobiya ayaa wax ay ku warameen in qaraxaas loo qabtay Shan ruux oo iska dhigayey dadka Wadooyinka ka dawarsada(Tuugsada),isla markaana haatan su’aalo lagu weeydiinayo Saldhiga Sidistegna si baaris dheer loogu sameeyo.

Sidoo kale waxaa Wararkii u dambeeyey ee qaraxa ay sheegayan in 132 ruux ay ku dhaawacmeen halka mid ka mid ah dadkii dhaawacmay uu geeriyooday.

Qaar ka mid ah Madaxda Wadamada Afrika ayaa la sheegay in ay qadka talefonka kula xiriireen Ra’iisul Wasaare.